FASIIX Academy

Xog ku saabsan FASIIX Academy

Himiladeena

Himiladeenu waa inaan siino ardayda fursad ay si tartiib tartiib ah ugu bartaaan luqadda Carabiga laga bilaabo aasaaska ilaa heerar sare, si ay ugu isticmaalaan noloshooda maalinlaha ah, shaqada, iyo waxbarashada.

Aragtideenna

Waxaan aaminsannahay in barashada luqaddu aysan ahayn oo keliya xarfaha iyo ereyada, balse ay tahay is-dhexgal dhaqan, faham bulsho, iyo awood lagu muujiyo fikradaha. Waxaan rabnaa inaan noqono hoyga ugu horreeya ee ardaygu ka helo xirfado luqadeed oo dhammaystiran oo horseeda isku-kalsooni iyo guul.

Taariikhdeenna

Mac-hadkeenna waxaa la aasaasay sanadkii 2023, iyadoo ujeeddadu ahayd in ardayda Soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba loo fududeeyo barashada luqadda Carabiga si nidaamsan, heerar kala duwan ah. Waxaan ku bilownay koox macallimiin khibrad leh iyo manhaj casri ah oo loogu talagalay in ardaygu si tartiib tartiib ah uga soo bilaabo aasaaska ilaa heerar sare oo aqoonta luuqadda ah.

Contact Us

Wixii macluumaad dheeri ah ee aad u baahatid waxaad nagala soo xiriir kartaa email-keenna : info@fasiixacademy.com, ama waxaad naga soo wici kartaa +252 61 234 5678. Waxaan sidoo kale joognaa baraha bulshada sida Facebook, Twitter, iyo Instagram.